Sahan media Muqdisho: Soomaaliya ayaa heshiis maaliyadeed la saxiixatay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha (Ifad) kaas oo ay Muqdisho ku heli doonto lacag dhan $31.22 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay barnaamijyada taageerada ee la xiriira sugnaanta cunnada ee miyiga.
Lacagta waa in la marsiiyaa barnaamijka u adkeysiga hab-nololeedka miyiga (RLRP), kaas oo looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhulka miyiga ah.
Maalgelintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee ay Ifad ku samayso Soomaaliya maalgashi toos ah tan iyo markii Muqdisho laga saaray deymaha dibadda oo ay la gashay deyn-bixiyeyaasha bishii Disembar
Qoraal la sii daayay heshiiska ka dib ayaa lagu sheegay in lacagtan ay ku bixi doonto barnaamijyada sida tooska ah uga faa’iidaysta dadka reer miyiga ah si ay uga caawiyaan dhimista faqriga, kordhinta sugnaanta cuntada, horumarinta nafaqeynta iyo xoojinta adkaysigooda.