Google search engine
HomeWararka MaantaIlhaan Cumar oo Trump ka dalbaday inuu caddeeyo "cunsuriyada" uu ku hayo...

Ilhaan Cumar oo Trump ka dalbaday inuu caddeeyo “cunsuriyada” uu ku hayo Soomaalida

Sahan Media Muqdisho: Ilhaan Cumar waxay ka codsatay maamulka Trump inuu ka difaaco hawlgalkooda ICE ee degmadeeda congress-ka ay ka tahay una sharaxo sababta uu ugala noqonayso maqaamka dhawrsan (protected status) boqolaal Soomaali ah.

Ilhaan Cumar ayaa codsigan Jimcihii ku gudbiyay labo warqadood oo ay u dirtay waaxda amniga gudaha kadib markii uu madaxweyne Trump sii kordhiyay weerarada uu ku hayo Soomaalida oo ay Ilhaan Cumar ka mid tahay.

Trump ayaa horraantii bishan ku dhawaaqay in howlgalladiisa soogalootiga ay ku fidi doonaan gobolka Minnesota, taasoo keentay cabsi laga qabo in howlgalkan lagu bartilmaameedsado bulshada Soomaaliyeed ka dib markii madaxweynaha uu sheegay in aysan waxba ku soo kordhinayn Mareykanka.

Shirkii Golaha Wasiirada ayuu sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida iyo Ilhaan Cumar “Qashin” oo uu doonayo inuu dib ugu celiyo “Meeshii ay ka yimaadeen”. Trump ayaa sidoo kale dhowr jeer ku eedeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ku kaceen falal burcadnimo iyo wax isdaba marin.
Mid ka mid ah warqadaheeda, Ilhaan Cumar waxay ku andacootay in tirada ciidanka ICE ee lakeenay Minnesota ay “ay jawaab toos ah u tahay hadalada cunsuriyadda ah ee Trump ee ku wajahan dadka Soomaalida, gaar ahaan aniga.”

Sida ku cad warqadda, xubnaha Omar iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Minneapolis iyo St. Paul “waxay diiwaan geliyeen isir nacayb cad, heer aad u xun gaaray iyo waxqabad u muuqda sucadd-dil loogu talagalay warbaahinta.

“Waxaan dalbanayaa jawaabo aniga oo ku hadlaya magaca xubnahayga oo xuquuqdooda dastuuriga ah lagu tunto maalin kasta,” ayay u qortay Xoghayaha DHS Kristi Noem iyo Kaaliyaha Xoghayaha Todd Lyons.
Cumar ayaa ka codsaday DHS inay sii daayaan xogta tirada shaqsiyaadka lagu xiray Howlgalka Metro Surge, oo ay ku jiraan tirada muwaadiniinta Mareykanka ee la xiray.


Waxay sidoo kale ka codsatay wakaalada inay bixiso macluumaadka ku saabsan diyaargarowga sare u kaca ICE, iyo siyaabaha ay dadweynuhu u soo sheegaan xadgudubyada xuquuqaha ee suurtagalka ah iyo qiyaasta kharashka cashuur bixiyayaasha.
“Ma qiyaasi karo tusaale cad oo qashinka, khiyaanada, iyo xadgudubka ah marka loo eego waxa ay hoggaanka ICE ka furtay xaafadaha magaalooyinka Mataanaha.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale jimcihii codsatay in DHS ay ka jawaabto walaaceeda ku saabsan in maamulku uu meesha ka saarayo Xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ee ku dhawaad ​​750 qaxooti Soomaaliyeed ah.

“Shaqsiyaadka Soomaalida ah ee TPS – oo qaarkood ku noolaa Mareykanka ku dhawaad ​​soddon sano – ayaa noloshooda ku dhistay halkan, iyagoo ganacsi ka bilaabay, samaystay qoysas, iyo inay noqdeen xubno muhiim u ah bulshadooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Soomaalida ayaa markii ugu horreysay la siiyay TPS 1991-kii, waxaana la kordhiyay ilaalintooda si ay ugu sii sugnaadaan Mareykanka 27 jeer. Hadda waxa la kordhiyey ilaa 17-ka March 2026, taas oo keentay in Ilhaan Cumar ay waydiiso sababta uu maamulku uga fakarayo in uu ka noqdo.
Warqadeeda, Ilhaan Cumar waxay ka codsatay DHS inay sharaxdo waxa “sharci iyo xaqiiqda” ku salaysan ee wakaaladu u leedahay inay meesha ka saarto heerka TPS ee Soomaalida, iyo waxa loo tixgelinayo inay ka caawiyaan inay go’aankaas gaaraan. Inkastoo Trump uu bishii hore kaga dhawaaqay Truth Social in uu joojin doono ilaalinta TPS ee dhammaan Soomaalida ku nool Minnesota hadana,” Noem ayaa sheegay in hay’addu ay qiimeynayso arrintan.

Haddii la laalo, isbeddelku wuxuu khuseeyaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka oo dhan, ma ahan oo keliya kuwa Minnesota.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments