Xisbiga Republican ka ah iyo Madaxweyne Trump oo isu bahaystay in ay xasaanadda ka qaadaan walaasheen Sen. Ilhan Omar.
Ilhaan todobaadyada soo socda waxay wajihi doontaa maalmo aad u adag iyadoo lagu bartilmaameed-sanayo in ay dalka ku timid sifo qaldan.
Waxaa isku soo bahaystay sedex dhinac oo kala ah:
B-Xisbiga Republican ka oo uu ka tirsan yahay madaxwaynaha dalka mareekanka Donald Trump oo isku raaci raba in mooshin xasaanad ka qaadis ah laga keeno Sen. Ilhan Omar.
T-Dadka cadaanka ah oo ay madaxmartay cunsuriyada.
J-Golaha ay ku midaysan yihiin Yahuuda dalka mareekanka ee hantiilayaasha ah ee jaangooya siyaasada iyo cida Madaxwayne ka noqonaysa dalka Mareekanka.
Xaggee u socdaan?
In Ilhan Omar laga hor istaago doorashada xisbiyada sanadka dambe (2026), in Xasaanada laga qaado ka dibna si dhaqsi ah loogu masaafuriyo dalka Somalia.
Qolooyinkan kala duwan ee isku bahaystay cadaawadda Ilhan Omar ayaa is tusay inay sahlan tahay midaa iyagoo u maraya nidaamka Dowladnimada.
Marka laga soo tago in Ilhan Omar ay tahay muwaadin mareykan ah iyo Congresswoman hadana, Ilhan waa gabar nugul sababta oo ah Waa gabar madow, Qaxooti ah, hadana Islaam ah.
Xisbiga ay ka tirsan tahay ee Democrats oo si wayn ugu jabay doorashooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxba u qaban Karin maadaama looga badan yahay Golaha Congress ka iyo Golaha Senate kaba.
Haddan nahay warbaahinta Sahan Média, Soomaalida Maraykan ka waxaan ka codsanaynaa in Soomaalinimada haloo hiilliyo.


