Google search engine
HomeWararka MaantaIlhan Cumar wiil ay dhashay oo ICE su aalo waydiisay

Ilhan Cumar wiil ay dhashay oo ICE su aalo waydiisay

Sahan Media Muqdisho: Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Canshuuraha ee Mareykanka (ICE) ayaa xirtay wiil ay dhashay gabadha laga soo doortay xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota Ilhaan Cumar, sida ay sheegtay haweeneydan Ilhaan oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, xilli ay sii kordhayaan baaritaannada lagu hayo bulshada Soomaaliyeed.

“Shalay wiilkeyga waxaa jiiday wakiillada (ICE),” ilhaan ayaa ku tiri wareysi ay siiyay CBS Minnesota.

“Markii uu awooday inuu soo saaro aqoonsigiisa baasaboorka, way ku sii daayeen,” ayay raacisay, iyadoo xustay wiilkeeda “mar walba wuu sitaa isaga haddii ay dhacdo in la jiido.”

Cumar wuxuu sheegay in wakiilada ICE ay wadaan ” isir nacayb iyagoo raadinaya niman dhallinyaro ah oo u eg Soomaali oo ay u malaynayaan inaysan sharci haysan.” ICE kama aysan hadlin dhacdadan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalmihii u dambeeyay weeraro ku qaaday Soomaalida iyo Ilhaan Cumar, isagoo sheegay inuu si joogto ah u joojinayo socdaalka dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada ayuu Trump ku sheegay in Soomaalidu “waxba naguma soo kordhinayaan”, isla markaana ku daray inuusan rabin in ay joogaan Mareykanka.

“Waddankoodu ma fiicna sabab. Dalkoodu wuu urayaa, mana rabno inay dalkayaga joogaan,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Waxaan mari doonnaa waddo khaldan haddii aan sii wadno keenista qashinka dalkeena.”

Jimcihii, Ilhaan Cumar wuxay warqad u diray Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem iyo Ku-simaha Agaasimaha ICE Todd Lyons, iyadoo ku eedeeyay ” isir nacayb bareer ah” iyo oo xoog aan loo baahnayn.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments