Google search engine
HomeWararka MaantaImaaraadka oo todobo boqol oo tan oo cunta ah ku wareejiyay Sodma

Imaaraadka oo todobo boqol oo tan oo cunta ah ku wareejiyay Sodma

Sahan Media Muqdisho: Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa 700 oo tan oo cunto gargaar ah soo gaarsiiyay Soomaaliya Arbacadii si loogu taageero qoysaska ay saameeyeen abaaraha ba’an ee ka jira guud ahaan dalka Geeska Afrika.

Deeqdan ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee (SoDMA) iyadoo ay ka qeyb galeen Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumayti iyo Guddoomiyaha Hay’adda SDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

Cabdulle ayaa sheegay in sahayda raashinka ah laga qeybin doono gobollo badan oo ay abaaruhu saameeyeen. “Saddex boqol oo tan ayaa loo qoondeeyay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, halka 200 oo tan loo qoondeeyay magaalada Garoowe ee dowlad goboleedka Puntland.

200 oo tan oo dheeraad ah ayaa loo daabuli doonaa goobaha la sugo ee ku dhow caasimadda Muqdisho, iyadoo la sii marin doono waddooyin si loo hubiyo in si degdeg ah loo gaarsiiyo dadka u baahan. 200 oo tan oo kale ayaa loo jihayn doonaa meelaha la gaari karo ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Jowhar iyo gobollada ku xeeran.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya. “Hay’addu waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u xoojin lahayd dadaallada ay kula dagaalamayso saamaynta abaaraha iyo macluusha iyadoo la kaashanaysa dalalka saaxiibka ah.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments