Sahan media Muqdisho: Ugu yaraan 18 arday ayaa ku dhintay, 27 kalana waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dugsi ay wax ku bartaan carruur da’doodu tahay dugsiga hoose dhexe oo ku yaalla bartamaha Kenya, sida ay booliisku sheegeen.
Maamulka ayaa sheegay in in ka badan 12 caruur ah oo ilaa 12 sano jir ah oo ku sugnaa dugsiga hoose dhexe ee Hillside Edarasha ee ismaamulka Nyeri loola cararay isbitaalka iyaga oo aad ugu gubtay dabka Khamiistii. Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhimashadu ay kororto.
Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in uu gubto iskuulka, balse weerarada gubashada ah ee lagu qaadayo iskuulada hoyga ah ee Kenya ayaa noqday arin naxdin leh oo heer qaran ah. In ka badan 100 carruur ah ayaa ku dhintay labaatankii sano ee la soo dhaafay shilalka la xiriira dabka ee ka dhacay dugsiyada.
Waa kuwan waxa aan ka naqaano dhacdada, iyo waxa keenay dhibaatada dab-damiska dugsiga Kenya:
Dab ayaa habeenkii Khamiista ka kacay dugsiga hoose dhexe oo ay dhigtaan ilaa 800 oo arday oo da’doodu u dhaxayso shan ilaa 12 jir. Ilaa 150 wiil ayaa la rumaysan yahay inay ku jireen qol jiif markii uu dabku qabsaday.
Maamulka ma aysan xaqiijin ama meesha ka saarin in dab la qabadsiiyay. Booliiska ayaa sheegay in kooxo baaris ah la geeyay iskuulka, kuwaasoo hadda la xiray. Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeenka bilayska Resila Onyango ayaa sheegtay in maydadka la helay “ay u gubteen si aan la aqoonsan karin”.
Laanqeyrta cas ee Kenya (KRC) ayaa sheegtay in ugu yaraan 11 caruur ah oo dhaawac ah loola cararay isbitaalka guud ee gobolka Nyeri ka dib waxa ay ugu yeertay “dhacdo naxdin leh”.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen miiska baafinta ardayda maqan. Intaa waxaa dheer, KRC waxay sheegtay inay siin doonto taageero nafsaani-bulsho ardayda, macalimiinta iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku tilmaamay dabka subaxnimadii jimcaha inuu ahaa “war xun”.
“Waxaan u baryaynaa caafimaad degdeg ah inta badbaaday. Waxaan farayaa masuuliyiinta ay khusayso inay si qoto dheer u baaraan dhacdadan naxdinta leh. Kuwa mas’uulka ka ah waa lala xisaabtami doonaa,” Ruto ayaa soo dhigay barraha bulshada ee X.
Maxaa sababa dab ka kaca iskuulada Kenya?
Sababta ugu badan ee keenta dabka iskuullada ayaa ah gubashada, sida lagu sheegay natiijadii cilmi-baadhis uu sameeyay cilmi-baadhaha jaamacadda Nairobi Isaac Muasya. Qalab koronto oo ciladeysan sida makiinadaha korontada ku shaqeeya iyo walxaha gubanaya sida sigaarka ayaa sidoo kale keenaya khatar weyn, daraasadda Muasya ayaa ogaatay.