Sahan Media Muqdisho: Afartan iyo afar qof 44 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ay koox ka tirsan jabhadda SPLM-N ee uu hoggaamiyo Abdelaziz al-Hilu ay ku qaadeen magaalada Kadugli ee caasimadda gobolka Koonfurta Kordofan ee koonfurta Suudaan, sida ay masuuliyiintu ku dhawaaqeen Isniintii. .
Jabhadda SPLM-N ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii kula dagaalamaysay ciidammada Suudaan koonfurta Kordofan iyo Blue Nile, iyagoo dalbanayay in la siiyo maqaam gaar ah labada gobol.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Suudaan, ciidamada SPLM-N ayaa saaka oo isniin ah ku garaacay gantaallo magaalada Kadugli rasaastaas ay ridayeen waxaa ku dhintay dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Imaam Nizar Mohamed Tom, oo ahaa daaci ka shaqeyn jiray Masjidka hore ee Kadugli.
Guddoomiyaha Koonfurta Kordofan Mohamed Ibrahim Abdel Karim ayaa cambaareeyay weerarka, isaga oo ku sifeeyay mid “gardarro arxan darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah”.
Waxa uu sheegay in ciidamada Suudaan ay si hufan uga jawaabeen, isla markaana ay jab xooggan u geysteen jabhadahaas oo isugu jiray ciidan, gaadiid iyo qalab kale, iyagoo sidoo kale qabsaday hub iyo saanad kale.
Taliyaha ciidamada Milatariga Suudaan Faysal Mukhtaar oo ka tirsan qeybta 14-aad ee ciidamada lugta ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kadugli.
Ururka SPLM-N ayaan weli ka hadlin weerarka.
Xiisadan ka taagan Koonfurta Kordofan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Sudan ay isku ballaariyeen gacan ku haynta Khartoum iyo gobolada Al Jaziira, halkaasoo tan iyo bishii April 2023 ay dagaal kula jireen ciidamada Taageerada degdega ah ee RSF.
Dagaalka ayaa sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad 14 milyan oo qof, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta Suudaan.