Sahan Media Muqdisho: In ka badan 1,000 qof ayaa ku naf waayey dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay tuulo ku taal gobolka dhexe ee Darfur ee galbeedka Sudan, sida ay sheegeen koox hubaysan.
Ururka Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Suudaan (SLM/A) oo ah kooxda gacanta ku haysa deegaankaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dadkii ku noolaa tuulada Tarsin ee Buuraha Marra la dilay 31-kii Agoosto, kaddib roobab xooggan oo sababay dhul go’ay.
Hal qof oo kaliya ayaa ka badbaaday masiibada, kooxdu waxay sheegtay, iyadoo raacisay in beerihii liinta ee caanka ahaa ee tuulada la burburiyay.
Waxa ay ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay in ay gacan ka geystaan sidii meydadka looga soo saari lahaa dhulka hoostiisa.

War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Daafuur Minni Arko Minnawi ayaa ku tilmaamay dhacdadan “musiibo bini’aadantinimo oo dhaaftay xuduudaha gobolka” wuxuuna baaq u diray hay’adaha samafalka caalamiga ah “in ay si deg deg ah u soo farageliyaan sidii taageero iyo gargaar loo fidin lahaa xilligan xasaasiga ah, maadaama ay masiibadani tahay mid ka baxsan awooda dadkeena.”
Dowladda Suudaan ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay musiibadii ka dhacday Buuraha Marra, waxayna ballan qaaday in ay isu uruurin doonto wax walba oo ay ku heli karto gurmad loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay masiibadaas.
SLM/A waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidan ka hawl gala qaar ka mid ah deegaanada gobolka Daafuur, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF).
Masiibada dabiiciga ah ayaa timid iyadoo uu socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka iyo RSF, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof ayna ku barakaceen 14 milyan tan iyo Abriil 2023, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamulada maxalliga ah. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris laga sameeyay jaamacadaha Mareykanka, ayaa ku qiyaastay tirada dhimashada ku dhawaad 130,000.