Sahan Media Muqdisho: Iraan waxay soo saartay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee saaka in xabbad joojinta Lubnaan iyo sii deynta hantideeda la xannibay la sameeyo kahor wadahadallada, Jimcihii iyadoo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance uu uga digay Tehran inaysan “ciyaarin” Washington, taasoo shaki gelisay wadahadallada xabbad-joojinta ee Pakistan ee la qorsheeyay.
Inkastoo xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd ee u dhaxaysay socoto, haddana waxaa weli taagan khilaaf qotodheer oo ku saabsan habka loo marayo wada-xaajoodyada lagu doonayo in xabbad-joojinta jilicsan loogu beddelo heshiis nabadeed oo waara.
“Haddii Iraniyiintu ay diyaar u yihiin in ay si niyad sami ah u gorgortamaan, waxa hubaal ah in aanu doonayno in aanu gacan furan u fidinno,” Vance ayaa u sheegay warfidiyeenka ka hor intii aanu u duulin caasimadda Pakistan ee Islamabad isaga oo ka soo kicitimay Saldhigga Joint Base Andrews ee Maryland.
Laakiin “haddii ay isku dayaan inay nala ciyaaraan, markaas waxay heli doonaan in wada xaajoodka aysan ahayn mid la aqbali karo,” ayuu yiri.
Wafdi ka socda Iran oo uu hoggaaminayo afhayeenka baarlamaanka Mohammad Baqer Ghalibaf ayaa maanta oo Sabti ah u yimid Islamabad si uu wadahadalka u furmo, warbaahinta Iran ayaa sheegtay. Waxay sheegtay in wada xaajoodyadu bilaaban doonaan haddii Washington ay aqbasho “shuruudaha hordhaca ah” ee Tehran.
Horey Ghalibaf waxa uu soo saaray laba tallaabo oo uu yiri “waa in la fuliyaa ka hor inta aan wada xaajoodyadu bilaabmin”: Xabad joojin ka dhacda Lubnaan iyo in la sii daayo hantida Iran ee la xannibay.
Labaduba waxa “si wadajir ah ugu heshiiyey dhinacyada” laakiin “wali lama hirgelin”, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa ku qoray X.
Qiyaasaha ayaa ku kala duwan qiimaha hantida Iran ee lagu xayiray dibadda sababtoo ah cunaqabateyn uu saaray Mareykanka, laakiin wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee tillaabooyinka qasabka a, Alena Douhan, ayaa tirada ku sheegtay 100-120 bilyan oo doolar booqasho ay ku tagtay Tehran 2022.
Ilo wareedyo rasmi ah ayaa sheegaya in wadahadalka Islamabad lagu soo qaadi doono dhowr qodob oo xasaasi ah oo ay ku jiraan tayeynta Nukliyeerka Iran iyo ganacsiga xorta ah ee mara marinka Hormuz.


