Google search engine
HomeWararka MaantaIraan oo weeraray saldhigyada Mareykanka ee Qatar

Iraan oo weeraray saldhigyada Mareykanka ee Qatar

Sahan Media Muqdisho: Qatar ayaa caawa oo Isniin ah cambaareysay gantaalka Iran ay ku garaacday saldhigga hawada Mareykanka ee Al Udeid oo ku yaalla dhulkeeda, iyadoo ku tilmaantay weerarka “xadgudub qaawan” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo hawadeeda.

Dawlada Qatar ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay kaga jawaabto si waafaqsan sharciga caalamiga ah, ayuu yiri af hayeenka wasaarada arimaha dibada, ka dib weerar gantaal ah oo Iran ay kaga aargudatay duqeymaha Maraykanka ee dhamaadka todobaadka ee xarumaha Nukliyeerka Iran.

Majed al-Ansari waxa uu muujiyay sida ay Qatar u cambaaraynayso “Weerarka Saldhigga Cirka ee Al Udeid ee ay geysteen Ilaalada Kacaanka Iran,” isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Dawladda Qatar, hawadeeda, sharciga caalamiga ah, iyo Axdiga Qaramada Midoobay.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in “Qatar ay xaq u leedahay in ay si toos ah iyo si dadbanba uga jawaabto gardarradan cad, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.”

Waxa uu sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Qatar ay ku guulaysteen in ay ka hortagaan gantaalada Iran, isagoo intaa ku daray in saldhiga laga saaray mar sii horeysay, taasoo qeyb ka ah baratakoolka taxadarka ah, marka loo eego xiisadaha sii kordhaya ee gobolka.

Dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ayaa la qaaday si loo ilaaliyo shaqaalaha ku sugan xarunta, oo ay ku jiraan ciidamada qalabka sida ee Qatar, ciidamada huwanta, iyo kuwa kale ee ku sugan goobta, ayuu raaciyay.

Al Ansari ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments