Sahan media Muqdisho: Madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku hanjabay Khamiista in ay mar kale weerari doonaan Israa’iil si ay uga jawaabaan tallaabo kasta oo militari oo Israa’iil ka dhan ah Tehran.
“Ha ku celin khaladkaaga,” Gen. Hossein Salami ayaa ka sheegay xaflad tacsi ah oo loo sameeyay Abbas Nilforoushan, oo ahaa taliyihii IRGC, kaas oo lagu dilay isaga iyo hoggaamiyihii Hezbollah Hassan Nasrallah duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Beirut bishii hore.
“Haddii aad si xun u dhaqanto, haddii aad weerarto bartilmaameedyadayada mid ka mid ah gobolka ama Iran, waxaan mar kale kugu dhufan doonnaa dharbaaxo xanuun badan,” ayuu raaciyay sida ay soo xigatay warbaahinta Iran.
Taliyaha Iran ayaa sheegay in weerarkii gantaalaha ee Oct. 1 ee Israel uu ahaa “kii ugu yaraa” ee awoodaha militari ee Iran.
“Waan ognahay daciifnimada cadowga (Israa’iil),” ayuu Salami ku daray.
Digniinta Salami ayaa ku soo beegantay iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi uu maanta oo Khamiis ah booqanayo Masar, taasoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee looga hortagayo weerar kasta oo Israa’iil ka dhan ah Iran.
Iran ayaa ku jirta feejignaan dheeri ah iyadoo laga dhursugayo jawaabta militariga Israel ay ka bixin doonaan weerarkii gantaalaha ee Tehran 1-dii Octobar, kaasoo ay ku sheegtay in weerarkan uu aargoosi u ahaa dilalkii ugu dambeeyay ee loo geystay hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas.
Israa’iil waxay ku hanjabtay “weerar dhab ah oo la yaab leh” oo aargoosi ah oo ka dhan ah Iran.
Xiisadda gobolka ayaa sare u kacday iyadoo ay ugu wacan tahay weerarka naxariis darada ah ee Israa’iil ay ku qaaday marinka Qaza, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 42,400 oo qof, oo u badan haween iyo carruur, kaddib weerar ay Xamaas ku qaadday sannadkii hore.
Colaadda ayaa ku fiday Lubnaan, iyadoo Israa’iil ay weerarro halis ah ka fulisay guud ahaan dalkaas, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 4,500 oo kale tan iyo bishii hore.