Google search engine
HomeWararka MaantaIsimada gobolka Bari oo war kasoo saaray xaaladda Puntland

Isimada gobolka Bari oo war kasoo saaray xaaladda Puntland

Sahan Media Muqdisho: Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari oo shir maalmo u socday ayaa lagu soo gabagabeeyay Boosaaso, war murtiyeed ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo tan gaarka ah ee gobolka Bari ayayna soo saareen.

Isimada ayaa kulankooda diiradda ku saaray midnimada ummadda Soomaaliyeed, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, cabashada kaluumaysatada iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso.

Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkooda ayay ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana la hormariyo danaha guud ee dadka iyo dalka.

Isimadu waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Puntland, ayna muhiim tahay in isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loogu gogol xaaro shirweynaha saamileyda Puntland, maaddaama uu isbeddel ku yimid nidaamkii Puntland lagu dhisay 1998-kii.

Dhinaca amniga, isimadu waxay bogaadiyeen howlgalka uu maamulka Puntland ka wado buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo caafimaad degdeg ah dhaawacyada, iyagoo maamulka ugu baaqay in la daryeelo askarta ku dhaawacantay iyo agoomaha askarta geeriyootay.

Isimadu waxay ka hadleen cabashooyinka kasoo yeeraya kaluumaysatada xeebaha Puntland, kuwaas oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan jirriif sharci darro ah oo halis geliyay noloshooda iyo hantidooda. Waxay ugu baaqeen Puntland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrintaas.

Ugu dambayn, waxay madaxda sare ee Puntland ku booriyeen inay wax ka qabtaan cabashooyinka shacabka Boosaaso ee la xiriira qiimaha sare ee biyaha iyo korontada, isla markaana ay magaalada Boosaaso siiyaan qeyb kamid ah dakhliga dekedda Boosaaso si loogu adeegsado horumarinta kaabayaasheeda dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xasan Shire Abgaal, oo kamid ah mucaaradka Puntland, ayaa soo dhoweeyay bayaanka ay soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo war murtiyeedka isimada oo ka hadlayay xaaladda Puntland iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsanayo isimada dhaqanka ee Puntland inay taageeraan qabsoomidda shir weyn oo la isku imanayo, maadaama uu isbeddel ku yimid heshiiskii aas-aaska Puntland ee 1998-kii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments