Google search engine
HomeWararka MaantaIskaashi dhinaca ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah oo dhex maray Somalia iyo...

Iskaashi dhinaca ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah oo dhex maray Somalia iyo Talyaaniga

Sahan media Muqdisho: Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa iskaashi cusub dhidibada u aasay, kaasi oo la xiriira dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta masiibooyinka dabiiciga ah.

Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah u dhex-maray hay’adda SODMA iyo hay’adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga, ayada guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku tageen xarunta hay’adda Italian Civil Protection Department.

Wafdigan ayaa waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo aqoonta iyo maareeynta khataraha dabiiciga ah.

Waxaa booqashadaas gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo hay’adda SODMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga – Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments