Google search engine
HomeWararka MaantaIsu socodka gaadiidka Nairobi oo xun loo carqaladeeyay

Isu socodka gaadiidka Nairobi oo xun loo carqaladeeyay

Sahan Media Muqdisho: Askar badan oo bilays ah ayaa la dhigay isgoysyada muhiimka ah iee Nairobi yadoo hawlwadeennada matatu ay sii wadeen inay carqaladeeyaan hawlihii caadiga ahaa.

Saxmad aad u xoogan ayaa ka jirta wadada Waiyaki ee Westlands iyadoo hakad ku aadan shaqa joojinta matatu ay ka jirto wadooyinka waaweyn, taasoo keentay in dhaq dhaqaaqii isu socodka bulshada uu istaago.

Laga soo bilaabo saacadihii hore ee maanta, gaadiidku waxay bilaabeen inay si degdeg ah isu abaabulaan ka dib markii wadayaasha baabuurtu bilaabeen isticmaalka wadooyin xiran iyo wadooyin aan la ogolayn iyagoo isku dayaya inay jabiyaan xannibaadda sii kordheysa.

Xaalada ayaa markiiba cirka isku shareertay kadib markii ay gadiid is dul fuuleen oo ay xireen isgoysyada waawayn, waxaana hakad galay isu socodkii gaadiidka ee labada dhinac.

Hawl-wadeennada Matatu waxay ku dhawaaqeen 28-kii Jannaayo inaysameynayaan qorshayaal shaqo-joojin ah oo dalka oo dhan ah si ay uga mudaaharaadaan gubidda gaadiidkooda ee lagu eedeeyay hawl-wadeennada boda boda, iyagoo ku andacoonaya in dawladdu ay ku guul-darraysatay inay wax ka qabato cadaawadda ka dhanka ah shaqadeenna.

Gaadiidleyda kale, oo ay ku jiraan kuwa xamuulka qaada, ayaa sidoo kale tilmaamay qorshayaal ay ku biirayaan banaanbaxa xiritaanka wadooyinka.

Baabuurta Adeegga Dadweynaha ayaa la dhigay hareeraha Waddada Waiyaki, kuwaas oo xannibay isu socodkii gadiidka iyaga oo mudaaharaadaya, isla markaana keenay in isu socodka Waddooyinka mashquulka ah ay istaagaan.

Xiisad ayaa bilaabatay ka dib markii kooxo yar yar oo rakaab ah iyo darawallo ay isugu soo baxeen dhowr goob, taasoo keentay in booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku ridaan qeybo ka mid ah Westland si ay dadka u kala eryaan.

Inkasta oo ay booliisku aad u badnaayeen, haddana isu socodkii gaadiidka ayaa joogsaday.

Saraakiisha ayaa la arkayay iyaga oo isku dayaya in ay soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeynta iyaga oo kala jebinaya kooxo yar yar, isla markaana gaadiidka u jiheynaya laamiyada saxda ah, isla markaana xakameynaya kuwa soo galaya isgoysyada muhiimka ah.

Arrintan ayaa keentay in boqollaal qof oo rakaab ah ay go’doomaan, taas oo ku qasabtay qaar in ay masaafo dheer lugeeyaan halka qaar kalena ay go’aansadeen in ay raadsadaan gaadiid kale.

Carqaladeynta ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay guud ahaan Westlands, dib u dhac ku yimid shaqaalaha, ardayda, iyo howlihii ganacsiga.

Booliiska ayaa ku sugnaa goobta iyadoo ay socdaan dadaallada lagu soo celinayo nidaamka iyo yareynta ciriiriga waddooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments