Sahan Media Muqdisho: Ciidanka Cirka ee Itoobiya waxa ay adeegsadeen laba nooc diyaaradood cusub oo laga keenay Ruushka, kuwaas oo kala ah diyaarada Orion-E ee aan cidina wadin (UAV), iyo nooca Yak-130 jet. Soo iibsiga cusub ayaa shaaca laga qaaday intii lagu jiray Bandhigga Duulimaadka ee dka dhacay Addis ababa
Bandhigan oo furmay 23-kii January ayaa waxa uu qayb ka ahaa dabaal-degga sannad-guurada 90-aad ee Ciidanka Cirka Itoobiya. Diyaaradan Orion-E ee aan cidina wadin ayaa dhererkeedu yahay 16 mitir, waxay hawada ku jiraysaa 24 saacadood, waxaanay awood u leedahay inay qaado hubka noocyadiisa kala duwan ilaa 250 kg. Ruushka ayaa noocan si ahaan ugu isticmaalay Suuriya iyo Ukraine.
Agaasimaha Guud ee dhoofinta Rosoborony Alexander Mikheev ayaa hore u sheegay in “qandaraasyo dhowr ah oo lala galay macaamiisha ajnabiga ah ee Orion-E MALE UAV la saxeexay la fulinayo.”
Orion-E wuxuu ku biirayaa ciidanka Itoobiya sida Bayraktar TB2, Akinci, Wing Long iyo Qods Mohajer-6 UAVs oo laga soo iibsaday Turkiga, Shiinaha iyo Iran. Kuwaas waxaa loo adeegsaday Ciidamada Xoraynta Shacabka Tigrayga.
Sidoo kale waxaa lagu arkay Saldhigga Ciidamada Cirka ee Bishoftu afar diyaaradood oo Yak-130 ah. Nambarada dabada ee diyaaradda (2301, 2302, 2303, iyo 2306) suurtagalna ay tahay in la keenay horraantan Janaayo.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Yak-130 ayaa waxaa loogu talagalay in lagu bixiyo tababaro asaasi ah oo dhanka duuliyenimada ah oo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa ajnabiga ah, oo ay ku jiraan dagaalyahanada jiilka 4-aad iyo 5-aad. Diyaaradan ayaa waxaa lagu rakibay qalab casri ah oo ka sameysan galaas, waxaana ay qaadi kartaa 3 000 kg oo hub ah.


