Sahan Media Muqdisho: Suudaan ayaa ku eedeeysay Ciidamada Gargaarka Degdegga ah ee RSF isniintii in ay dileen dad rayid ah oo dilkaas oo salka ku haya qowmiyadaha ay ka soo jeedaan iyo dhac ay ka geysteen xarumaha caafimaadka ee El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan.
“Xasuuqii foosha xumaa ee ay RSF ka geysatay fiidnimadii shalay magaalada El-Fasher, RSF waxay ku dishay dad rayid ah oo aan hubaysnayn sababo la xiriira qowmiyad, taasoo ah fal isir sifeyn ah,” Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay shirkadda warbaahinta bulshada ee Mareykanka ee X.
Kooxda caafimaadka ayaa sheegtay in daraasiin dad ah ay dileen RSF Axadii, iyaga oo soo xiganaya warbixinnada kooxahooda goobta ku sugan.
“Weli way adag tahay in la gaaro meelaha ay dhibaatadu saameysey sababtoo ah burburka ay keentay RSF,” ayaa lagu daray bayaanka.
Dagaal u dhexeeya ciidamada iyo kooxda fallaagada ayaa Axaddii ka dhacay magaalada, taas oo u adeegta xarunta hawlaha bini’aadantinimo ee shanta gobol ee Darfur.
“Dadka aan waxba galabsan ee ka soo jeeda el-Fasher waxaa loo geystaa xadgudubyadii ugu foosha xumaa iyo isir sifeyn,” ayay guddiyada iska caabinta El-Fasher ee rayidka ah ay ku sheegeen bayaan.
Guddiga ayaa intaa ku daray in dagaal qaraar uu weli ka socdo galbeedka magaalada.
Waxay ka digtay in ciidamada, dagaalyahannada huwanta ah, iyo dadka rayidka ah ay soo wajahaan xaalado bini’aadinimo oo aad u daran oo magaalada ah iyada oo ay sii socoto go’doominta RSF-ta iyo la’aanta cunno, saadka iyo taageerada hawada.
RSF waxa ay hareeraysay El-Fasher ilaa May 10, 2024.
Shabakadda dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegtay in 47 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 9 haween ah lagu dilay gudaha guryahooda weeraradii RSF ay ka fulisay magaalada Bara ee Waqooyiga Kordofan ee bartamaha Sudan.
Waxay ku eedaysay kooxda fallaagada inay fuliyeen xukunno dil ah, dhac hanti ah, iyo afduub dad rayid ah “iyagoo isku dayaya inay cabsi ku faafiyaan dadka deegaanka.”
Kooxda ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay qaadaan tillaabo degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah ee ku sugan Suudaan iyo in la bilaabo baaritaan caalami ah si loola xisaabtamo madaxda RSF.
Qareennada degdegga ah, oo ah koox madaxbannaan oo Suudaani ah, ayaa sidoo kale ku eedeeyay RSF inay “xasuuq ba’an u geysatay dad rayid ah” magaalada Bara.
Sida ay kooxdu sheegtay boqolaal kamid ah dadka deegaanka oo u badnaa dhalinyaro ayay jabhaddu dileen iyadoo ay dhacayeen falal dhac iyo burburin ah oo lala beegsanayo hantida guud iyo kuwa gaarka ah.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay RSF oo ku aadan eedeynta.
Ciidanka Sudan iyo RSF waxa ay dagaallamayeen tan iyo Abriil 2023, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen.


