Google search engine
HomeWararka MaantaKaalmo cusub oo ka timid Turkiga

Kaalmo cusub oo ka timid Turkiga

Sahan media Muqdisho: Markabka la yiraahdo Wanaag oo siday 3,000 oo tan oo gargaar ah ayaa Sept, 29 ka soo shiraacday magaalada Mersin ee koonfurta gobolka Turkiye, waxaana munaasabad ka dhacday dekedda ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac oo uu wehliyo guddoomiyaha maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas iyo wakiilo ka socday hay’adaha samafalka ee ka socday Turkiga.

Gargaarka ayaa ka kooban noocyo kala duwan oo cunto ah, teendhooyin, iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha, oo gaaraya 3,000 oo tan. Taageeradan waxaa looga golleeyahay in si weyn loo horumariyo xaaladda nololeed ee dadka u baahan,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).

“Sida had iyo jeer ah, Turkiga wuxuu sii wadi doonaa inuu gacantiisa u fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Si loo helo mustaqbal ifaya oo lala yeesho shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii gaarsiiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah dalka ku yaalla bariga Afrika, kaasoo u nugul masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaaro, macluul, fatahaado iyo duufaanno.

Turkiga oo muddo dheer saaxiib dhow la ahaa Soomaaliya ayaa sidoo kale maalgeliyay Soomaaliya dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments