Google search engine
HomeWararka MaantaKilmar Ábrego García oo loo masaafurinayo Ugandha

Kilmar Ábrego García oo loo masaafurinayo Ugandha

Sahan Media Muqdisho: Uganda ayaa u muuqata inay qaabilayso kiisaska masaafurinta ee ugu muranka badan ee Maraykanka, iyadoo uu socdo ololaha ka dhanka ah socdaalka ee madaxweyne Donald Trump.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa Jimcihii ku wargelisay qareennada Kilmar Ábrego García, oo ah muwaadin El Salvador, in loo musaafurin doono Uganda “72 saacadood gudahood.” Ábrego, oo 30 jir ah, ayaa sabab u noqday dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda socdaalka iyo kuwa ka soo horjeeda ololaha Trump ee ka dhanka ah socdaalka ka dib markii si khalad ah loogu tarxiilay halkaas bishii March. Waxaa lagu soo celiyay xabsiga Mareykanka bishii June waxaana ugu dambeyntii loo ogolaaday inuu dib ugu laabto gurigiisa Mareykanka ee Maryland usbuucii hore.

Uganda ayaa ahayd wadankii ugu dambeeyay ee ku biira wadamada tirada yar ee Afrikaanka ah heshiisyada lala galay dawladda Maraykanka si ay u qaabilaan “muwaadiniin aa kuwooda ahyn ama wadan saddexaad ah” oo laga soo tarxiilay Maraykanka. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa sheegay 21-kii Agoosto inay tahay “habayn ku meel gaar ah oo leh shuruudo ay ka mid yihiin in aan la aqbali doonin shakhsiyaadka leh diiwaanka dembiyada iyo carruurta aan lala socon.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments