Sahan Media Muqdisho: Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday Markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho Isniintii, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay raacaan markabka dhacdadii ugu horreysay oo looga shakisan yahay burcadbadeedda Soomaaliya tan iyo 2024-kii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka badda ah.
Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqonaysaa weerarkii ugu horreeyay ee burcad-badeed Soomaali ah oo lala beegsado markab ganacsi tan iyo bishii May 2024, taasoo sare u qaadaysa khatarta tamarta muhiimka ah iyo badeecadaha la soo mariyo gobolka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhinaca badda ah.
Markabkan ayaa ka shiraacday meel 332 nautical miles (615 km) u jirta xeebaha Soomaaliya, markii afar nin oo hubaysani ay ku soo dhawaadeen doon ka timid dhinaca starboard-ka oo ay rasaas ku fureen, sida ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay kooxda maamulka khatarta badda ee Ingiriiska ee Vanguard.
“Shaqaaluhu waxay sare u qaadeen qaylo-dhaanta, xawaarahana way kordhiyeen, waxayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah, kooxda ammaanka ee hubaysan ee markabka saarnayd ayaa si wax ku ool ah uga jawaabey, iyagoo ka hortagaya weerarka.”
Vanguard iyo ilo ka tirsan ilaalada badaha ayaa sheegay in markabka la beegsaday uu ahaa markab kiimiko ah oo sitay calanka Cayman Islands Stolt Sagaland.
Hawl wadeenka markabka Stolt-Nielsen ayaa xaqiijiyay in uu jiray isku day weerar oo lagu qaaday Stolt Sagaland, horraantii Noofambar 3, kaas oo aan lagu guulaysan.
“Shaqaalahayagu dhammaantood waa nabad qabaan, iyagoo si degdeg ah oo xirfadaysan uga jawaabay dhacdada,” ayay shirkaddu tiri.
Howlgalka badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada. Ciidamada badda ayaa sheegay in 28-kii October ay heleen digniin ku saabsan suurtagalnimada joogitaanka koox burcad badeed ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.


