Google search engine
HomeWararka MaantaKulan gaar ah oo u socda madaxda Puntland iyo Jubbaland ka kohor...

Kulan gaar ah oo u socda madaxda Puntland iyo Jubbaland ka kohor la kulanka Xasan Sheekh

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa lafilayaa inay yeeshaan kulamo ku aaddan xaaladda guud ee Somalia & xoojinta xiriirka labada dhinac.

Ilo wareedyo ku dhawdhaw labada dhinaca ayaa sheegaya inay yeelan doonaan kulan aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan marxaladda taagan ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay labada madaxweyne dhawaan ka soo laabteen dalka Imaaraadka Carabta, oo ay si wadajir ah ugu la soo kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda UAE oo dhex-dhexaadinayay khilaafkii siyaasadeed ee labadan hoggaamiye iyo Villa Somalia.

Warar hoose ayaa sheegaya in horumar laga sameeyey dedaalada lagu doonayo in la isugu soo afjaro labada madaxweyne iyo hoggaanka ugu sarreeya dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments