Google search engine
HomeWararka MaantaKursigii ICJ da ee uu baneeyay Abdulqawi Yusuf oo la magacaabay

Kursigii ICJ da ee uu baneeyay Abdulqawi Yusuf oo la magacaabay

Sahan Media Muqdisho: Qareen Kenyan ah oo lagu magacaabo Phoebe Okowa ayaa Arbacadii loo doortay garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), si ay u buuxiso booskii uu banneeyay Abdulqawi Yusuf oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo iscasilay 30-kii Sebteembar.

Okowa waxay shaqada hayn doontaa inta ka dhiman muddo-xileedkii Abdul Qawi Yusuf, taasoo dhammaaneysa 5-ta Febraayo, 2027.

Waa qareen iyo macallin ku takhasustay sharciga caalamiga ah ee dadweynaha kana dhigta jaamacadda Queen Mary ee London. Tan iyo sannadkii 2023, waxay sidoo kale xubin ka ahayd Guddiga Qaramada Midoobay ee Sharciga Caalamiga ah (UN International Law Commission).

Sida uu dhigayo dastuurka ICJ, garsoorayaasha waxaa lagu doortaa cod qarsoodi ah oo laga qaado labadaba Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa jagadan u tartamay afar musharax, waxayna Okowa ku guuleysatay saddex wareeg oo codbixin ah oo ka dhacay Golaha Ammaanka iyo afar wareeg oo ka dhacay Golaha Guud.

Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada The Hague, waxay ka kooban tahay 15 garsoore oo lagu doorto muddo sagaal sano ah, waxaana ay xaq u leeyihiin inay dib isu soo sharxaan. Haddii garsoore uu geeriyoodo ama iscasilo inta uu xilka hayo, waxaa la qabtaa doorasho gaar ah si loo buuxiyo qeybta ka dhiman muddadaas.

15-ka garsoore waa in ay kasoo kala jeedaan 15 dal oo kala duwan, iyadoo maxkamaddu guud ahaan metelayso qaab-dhaqameedyada waaweyn iyo nidaamyada sharciga ee caalamka.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo u dhashay Soomaaliya, ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) intii u dhaxeysay Febraayo 2018 ilaa Febraayo 2021. 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments