Sahan Media Muqdisho: Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku hanti-beelay dabkii ka kacay Suuq-bacaad Muqdisho. Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo heerka khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkan xooggan oo muddo saacado ah ka socday Suuqa Bacaad, Dabkaasi, oo si weyn u baabi’iyey suuqa, ayaa la sheegay in si buuxda loo damiyay xalay waqti dambe kadib dadaallo xooggan oo ay sameeyeen ciidamada dab-damiska ee Dowladda Hoose.
Suuqa labaad ee Muqdisho ayaa la sheegayaa in hantida burburtay ay u dhiganto hantida taalla suuqa bakaaraha, ganacsatada qaar oo la wareystay ayaa sheegay in aysan waxba ka badbaadsanin.
Hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Yaaqshiid ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah si loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee ka dambaysay dabka, iyaga oo weli baaraya meelo dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay in uu dabku ka bilowday.
Waxaa wali socota qiimeynta khasaaraha, iyadoo ganacsatada intooda badan ay dalbanayaan magdhow iyo taageero degdeg ah si ay dib ugu bilaabaan ganacsigooda.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Suleiman Mahamoud Fargah, ayaa sheegay in dabku ka dhashay cilad koronto, Nasiib darro, hal qof oo ah gabar yar ayaa ku geeriyootay shilkaas, taasoo ah dhimashada kaliya ee ilaa hadda la xaqiijiyay.
Guddoomiyuhu wuxuu tacsi u diray qoyska gabadha geeriyootay, isagoo caddeeyay in aysan jirin dhaawacyo kale oo la soo sheegay.
Maanta ayaa la filayaa in guddi ka kooban ganacsatada deegaanka la dhiso, si ay u qiimeeyaan khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay dabka, Guddigaasi ayaa la kulmi doona dadka ay saameeyeen si ay xog uga ururiyaan, islamarkaana u sameeyaan qiimeyn dhab ah oo ku saabsan hantida ku burburtay.