Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxii Xafiiska Biyaha dowlad deegaanka Soomaalida oo musuqmaasuq xilka looga qaaday

Madaxii Xafiiska Biyaha dowlad deegaanka Soomaalida oo musuqmaasuq xilka looga qaaday

Sahan Media Muqdisho: Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xilkii ka qaaday madaxii xafiiska horumarinta kheyraadka biyaha kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la musuq maasuqay mashruuc biyo galin ah oo ku kacaya 1.4 bilyan oo birr oo laga sameeyay caasimada gobolka.

Madaxwaynaha deegaanka Mustafe Muxumed Cumar ayaa todobaadkan xilkii ka qaaday madaxii Xafiiska Hassen Mohammed ka dib markii ay soo shaac baxday eedaymo ku saabsan maamul xumo iyo musuq maasuq la xiriira mashruuca biyo nadiif ah ee Jigjiga. Hassan wuxuu qabtay hogaanka Xafiiska Oktoobar 2021.

Warqad ku taariikheysneyd Febraayo 5, 2025, madaxweynuhu wuxuu ku magacaabay Mohammed Umer Ahmed in lagu beddelay Hassan. Maxamed oo ahaa ku xigeenka madaxa xisbiga barwaaqada ee deegaanka Soomaalida.

Wargayska The Reporter ayaa todobaadkii hore soo bandhigay maqaal uu ku iftiimiyay musuq maasuqa ka jira mashruuca Jigjiga iyo qorshayaal kale oo badan oo dhinaca biyo galinta ah oo ka socda deegaanka. Inkasta oo la daah-furay bishii July ee la soo dhaafay, sanado badan oo dib u dhac ah ka dib, mashruuca biyaha nadiifka ah ee Jigjiga ayaan hadda shaqayn, taasoo keentay in dadka ku nool magaalada aysan helin biyo nadiif ah oo kufilan.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments