Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Deni oo Bahdil ku tilmaayay shirkii xisbiga Cadaaladda iyo wadajirka

Madaxweyne Deni oo Bahdil ku tilmaayay shirkii xisbiga Cadaaladda iyo wadajirka

Sahan Media Muqdisho:Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa bahdil ku tilmaamay shirweynihii xalay uu Muqdisho ku qabtay ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP, oo uu hoggaamiyo musharaxna ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay qorshaha loo dhisay ururkaan inuu yahay abaabul siyaasadeed oo lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna wiiqayo midnimada iyo wadajirka ummadda.

Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay indhahooda furaan, kana hadlaan mowqifkooda kaga aaddan wuxuu ugu yeeray khatarta uu dalku wajahayo waqtigan.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay, dowladda Federaalka in aysan daacad ka ahayn in laga guuro nidaamka 4.5. Waxa uu tusaale usoo qaatay hannaanka lagu salleeyay hoggaanka sare ururka JSP, isagoo sheegay inuu ka turjumayo kaliya in lagu cayiliyo nidaamka wax ku qeybsiga qabiika.

“Golayaashii Wadatashiga Qaran waxay isku beddeleen xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka. Caddaalad haddii ay jirto, miyaa la iibsan lahaa qabuuraha? Caddaaladda ay sheegayaan maxay noqon doontaa? Wadajirkii ay ka hadleen xaggee buu yaallaa, dalkiiba waa la kala irdheeyay. Golaha doonaya in Jubbaland la burburiyo miyaa wadajir keenaya?” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in waddada dowladda Federaalku ku socoto ay tahay waddo xiran, isagoo xusay in loo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalidu dhexdeeda ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments