Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Erdogan oo ku baaqay in la dhexdhexaadiyo Suudaan iyo Imaaraadka

Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay in la dhexdhexaadiyo Suudaan iyo Imaaraadka

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Jimcihii khadka taleefoonka kula xiriiray hogaamiyaha Militariga Sudan, waxaana uu u soo jeediyay inay dhexdhexaadiyaan xiisada kala dhaxeysa Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay Xafiiska Hogaamiyaha Turkiga.

Dalabka uu u fidiyay hogaamiyaha militariga Sudan, Gen. Abdel-Fattah Burhan, ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii Erdogan uu heshiis dhex dhigay Ethiopia iyo Somalia. Heshiiska ayaa bilaabay wadahadalo farsamo oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaaf ka dhashay kadib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland oo ah maamul ka go’ay Soomaaliya.

Erdogan ayaa u sheegay Burhaan in Turkigu uu doonayo in uu dhexdhexaadiyo si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Suudaan iyo Imaaraadka. Waxa uu sheegay in Turkiga “mabaadi’da asaasiga ah ay ka mid yihiin nabad iyo xasillooni ka hirgasha Suudaan, ilaalinta madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanideeda, iyo ka hortagga waddanku inuu noqdo aagga faragelinta dibadda,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta ee madaxtooyada Turkiga.

Dowladda Suudaan ayaa Imaaraadka ku eedeysay in ay hub siiso ciidamada isbaheysiga ah ee ka soo horjeeda, islamarkaana ay sii dheereyso colaadda Suudaan. Imaaraadku wuu diiday eedaymahaas, wuxuuna ku eedeeyay dawladda inay diidan tahay inay gogol nabadeed kula xaajoodaan cadawgeeda.

Sudan waxa ay gashay colaad bartamihii bishii April ee sanadkii 2023-kii, markii xiisada muddada dheer soo jiitamaysay ee u dhaxaysa milatarigeeda iyo hogaamiyayaasheeda ay ka qarxeen caasimadda Khartoum, kuna fiday Daarfuur iyo gobollo kale. In ka badan 13 milyan oo qof ayaa lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda, dalka waxaa hareeyay masiibo bini’aadantinimo.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments