Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Farmaajo oo Muqdisho yimid Maanta

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho yimid Maanta

Sahan Media Muqdisho: Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib mudo uu dalka ka maqna.

Farmaajo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee taageersan.

Dib u soo laabashada madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay loo sii oogaa, waxaana masuulkan uu dalka ka maqnaa mudo ka badan 2 sano oo uu dibad joog ahaa.

Imaashaha Farmaajo ee Muqdisho ayaa ah mid la xiriirta arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, maadaama dalka uu dhawaan galayo doorashooyin aad u adag oo loogu tartami doono xilka madaxweynanimada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale qorsheynaayo inuu magaalada Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo diiradda uu ku saari doono xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan iyo arrimaha Dastuurka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalmaha soo socda waxaa si rasmi ah uga bilaabanaya loolanka siyaasadeed ee mushax walba uu ku doonayo inuu ku noqdo madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in la dhisay ururradii ugu badnaa iyo isbahaysiyo cusub oo u diyaarsan in si adag ay ula loollamaan madaxda hadda haysa talada dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments