Google search engine
HomeWararka MaantaMadaxweyne Xasan oo Gaaray Ithiopia

Madaxweyne Xasan oo Gaaray Ithiopia

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dowladeed islana soo qaadi doona sii amba-qaadidda wadahadalladii Madaxda Maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka, oo dhawaan lagu kala tagay Kismaayo.

Dhex-dhexaadinta labada dhinac ee xukuumadda Addis ayaa timid kadib markii ay fashilmeen wadahadalo ay waddey xukuumadda Kenya, oo wajigoodii 1aad wajigabax ku soo dhammaaday.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda federaalku waday qorshe ay Jubaland cusub uga dhisayso Gedo, taasi oo sababtay dacwad Jubbaland u gudbisay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee Somalia.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments