Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi. Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen xiriirka iskaashi ee labada dal.
Madaxweyne Xasan ayaa ka mahadceliyay kaalinta dowladda Qatar ee nabadda iyo hurumarka Soomaaliya, iyadoo aan ognahay in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka waddo mashaariic fara badan oo ay ugu horreeyso Gargaarka, waxbarashada, iyo kaabashaasha dhaqaalaha.