Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dooxa, si uu uga qeybgalo shir madaxeedka degdega ah ee dalalka Carabta iyo Islaamka, kaasoo lagu wado in uu furmo maanta oo Isniin ah.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Hamad waxaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Sheekh Saoud bin Abdulrahman bin Hassan Al-Thani iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali.