Google search engine
HomeWararka MaantaMasar ayaa Martigelinaysa Shir Madaxeed Carbeed oo Degdegga ah

Masar ayaa Martigelinaysa Shir Madaxeed Carbeed oo Degdegga ah

Sahan Media Muqdisho: Masar ayaa martigelin doonta shir degdeg ah oo madaxda Carabta ah 27ka Febraayo si ay uga wada hadlaan waxa ay ku tilmaantay “horumarada halista ah” ee Falastiiniyiinta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masari.

Shir-madaxeedkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo gobolka iyo caalamkaba laga cambaaraynayo soo jeedintii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in ay Israa’iil la wareegto Marinka Qaza oo la abuuro “Riviera of the Middle East” ka dib marka dib u dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta meelo kale.

Wadamada Carabta ayaa doonaya in ay arkaan xal laba dowladood ah oo leh dhul gaar ah oo Falastiini ah oo ay weheliso Israel.

Qorshaha Trump ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah, iyadoo madaxda gobolka iyo kuwa caalamka ay sheegeen in tallaabadan oo kale ay halis gelineyso xasilloonida gobolka. Trump ayaa Jimcihii sheegay in aanu ku degdegin fulinta qorshihiisa uu ku doonayo in uu kula wareego oo uu dib u horumariyo Gaza.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments