Sahan Media Muqdisho: Dowladda Masar ayaa soo gabagabeyneysa diyaar garow ay ku dooneyso in ciidamo Milatari ah loogu daad gureeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSSOM).
Wafdi ka socda militariga Masar ayaa horaantii isbuucan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah qorshaha Qaahira ay uga qeyb qaadaneyso howlgalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya. Warbixin ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Abriil 2025 ayaa tilmaamaysa in ku dhawaad 1,100 askari oo Masaari ah ay ka qayb qaadan doonaan AUSSOM.
Booqashada wafdiga ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ka dib markii bishii hore la furay biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), kaasoo ay Qaahira sheegtay inuu khatar ku yahay biyaha Masar.
Itoobiya lafteeda ayaa 2,500 oo askari ku biirinaysa AUSSOM, kuwaas oo bedelay hawl-galka ku meel garka ah ee Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) bilowgii sanadkan, waxaana la qorsheeyay inuu socdo illaa 2028-ka.
Howlgalkii ugu dambeeyay ee nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ka qeyb galaan ciidamo ka tirsan Milateriga Masar, iyadoo ATMIS ay soo saartay ciidamo ka kala socda Itoobiya, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Uganda. Ka qayb galka Qaahira waxa uu muujinayaa xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira, ka dib markii ay muddo sannad ah is-mariwaayeen Itoobiya oo ku saabsan heshiis muran badan dhaliyay oo gelitaanka badda ee ay la gashay Somaliland gooni-u-goosadka ah, kaas oo tan iyo markaas uu burburay.
Bishii Agoosto 2024, Qaahira waxay soo gaarsiisay Soomaaliya saanad milateri, taasoo ku riixday falanqeeyayaasha inay walaac ka muujiyaan suurtagalnimada isku dhac wakiilnimo oo u dhexeeya Itoobiya iyo Masar. Walaacaas waxaa dib u soo nooleeyay damacii Qaahira ee AUSSOM, laakiin saraakiisha Itoobiya waxay ku adkaysanayaan inaysan u arkin keenista ciidamada Masar khatar toos ah.
Suleymaan Dedefo, oo ah safiirka Soomaaliya u jooga oo la hadlay warbaahinta Soomaalida todobaadkan ayaa sheegay in Itoobiya aysan raali ka ahayn joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya”.
Dhanka kale, AUSSOM waxa ay weli wajaheysaa caqabado dhaqaale oo halis ah oo khatar ku ah dadaallada nabad ilaalinta.


