Sahan Media Muqdisho: War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in uu dib u dhacay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu waday inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho 22 ka bishan oo ku beegan maalinta berito.
Warkan kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in shirka dib loogu dhigay sababo la xariira maalmaha xuriyadda awgood, waxaana la shaaciyay in shirka Wadatashiga Qaran uu dib u qabsoomi doono 15 bisha July ee sanadkan.
warka ayaa u qornaa sidan “Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay ayaa waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loogu balamay 15 bisha soo socota ayaa waxaa isugu imaan doona madaxda sare ee dalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.