Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa iska badalay xiriirka Axmad Madobe iyo Siciid Deni?

Maxaa iska badalay xiriirka Axmad Madobe iyo Siciid Deni?

Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa la filayaa Barri in uu gaaro magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland Hadaba mxaa iska badalay xiriirka Deni iyo Axmad?

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in ay  Kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Garawe.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo 27 bishii May shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi ku ballameen wada-shaqayn buuxda.

Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments