Sahan media Muqdisho: Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta mareykanka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka maqan tahay Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka.
Wasiirka ayaa ugu horreyntii weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inay wado gacan bidixeyn.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka haatan ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in waxba aysan kasoo bixi doonin, sida uu hadalka u dhigay.
Intii uu Xasan xilka kusoo laabtay waxaaa iska socday talada gacan bidixaynta ah oo aan waxba kasoo baxayn.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay doonayaan in marka hore la qabto wada-hadallo dhab ah oo lagu dhammeynayo khilaafaadka jira, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.
“Annagu waxaan taagan nahay si caafimaad qabta haloo hadlo, wadaadada xagaas joogana waxay rabaan wax lala cararayo oo dadka kale aan loo ogoleyn” ayuu yiri.
Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan quseyn dhammaan qodobada kasoo baxa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama ay iyagu ka maqan yihiin.