Google search engine
HomeWararka MaantaMaydadka Muhaajiriin Soomaali ku jirto oo laga helay labo goobood oo Liibiya...

Maydadka Muhaajiriin Soomaali ku jirto oo laga helay labo goobood oo Liibiya ah

Sahan Media Muqdisho: 29 mayd oo tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray laba goobood oo ku yaalla koonfur bari iyo galbeedka Liibiya, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka iyo bisha cas ee Liibiya Khamiistii.


Hogaanka amniga ee degmada Alwahat ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 19 mayd laga helay xabaal wadareed ku yaala beer ku taal deegaanka Jikharra oo qiyaastii 441 KM u jira magaalada Benghazi ee magaalada labaad ee ugu weyn dalka Liibiya, waxayna sheegeen in dhimashadu ay la xiriirto falal tahriib ah.

Agaasinka ayaa soo dhigay sawirada Facebook-ga oo muujinaya saraakiil bilays ah iyo mutadawiciin Bisha Cas ee Jalu oo maydadka ku ridaya baco madow.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa barta Facebook ku sheegtay goor dambe oo fiidnimadii Khamiista in Mutadawiciinteedu ay subaxnimadii hore ee maanta soo saareen maydadka 10 Tahriibayaal ah, ka dib markii doonidii ay la socdeen ku degtay Dekedda Dila ee magaalladda Zawiya, oo 40-KM u jirta caasimadda Tripoli.

Bisha Cas ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya mutadawiciinta oo taagan barta dooxada oo meydad ku ridaya baco cadcad, halka mid ka mid ah mutadawiciinta uu lambaro saaray mid ka mid ah boorsooyinka.

Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen xeer ilaalinta guud ee degmada Jalu, ayaa agaasinku waxa uu ku guulaystay in uu soo saaro 19 qof oo mayd ah oo ka dhashay tahriibka kaasoo ka dhacay deegaanka Jikharra, kuwaas oo ay lahaayeen shabakad wax tahriibisa oo caan ah,” ayuu yidhi agaasinku.

Liibiya ayaa isu rogtay marin ay maraan tahriibayaasha ka soo cararay colaadaha iyo faqriga ee u sii gudbaya Yurub iyagoo sii maraya badda Mediterranean-ka.

Dhamaadkii bishii Jannaayo, waaxda dambi baarista ee Alwahat ayaa sheegtay in ay sii daysay 263 muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaaraha, iyadoo sheegtay in ay “u xirnaayeen koox wax tahriibisa oo xaalad bani’aadam iyo caafimaad aad u liidato ay la noolaayeen.”

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments