Google search engine
HomeWararka MaantaMilitariga Burkina Faso ayaa ceyriyay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Militariga Burkina Faso ayaa ceyriyay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Sahan Media Muqdisho: Milateriga Burkina Faso ayaa mas’uulkii ugu sarreeyay Qaramada Midoobay ka eryay waddankeeda, kaddib warbixin ku saabsan carruur lagu qabtay dagaallada Jihaadka.

Carol Flore-Smereczniak waxaa lagu dhawaaqay in ay tahay “persona non grata” sababtoo ah doorkii ayku lahayd diyaarinta warbixinta soo baxday bishii Maarso.

Warbixintan oo lagu soo koobay muddo laba sano ah, waxay faahfaahisay in ka badan 2,000 oo kiis oo la sheegay in carruur la askareeyo, dil, xadgudubyo iyo galmo – iyadoo lagu eedeeyo fallaagada Islaamiyiinta, askarta dawladda iyo ciidamada difaaca rayidka ah.

Dowladda militariga, oo xukunka la wareegtay Sebtembar 2022, uuna hoggaamiyo Capt Ibrahim Traoré, ayaa sheegtay inaan lagala tashan warbixinta QM, isagoo sheegay in warbixinta ay ku jirto eedeymo aan sal iyo raad lahayn.

Ma aysan soo xigan wax dukumeenti ah “ama go’aano maxkamadeed oo lagu taageerayo kiisaska lagu eedeeyay xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ee loo aaneynayo dagaalyahannada Burkinabé ee geesiyaasha ah”, ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Tan iyo 2015, falaagada jihaad doonka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda dowladda Islaamiga ah ayaa waday kacdoon ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ka carareen guryahooda.

Waxay kicisay xasillooni darro siyaasadeed, iyada oo laba afgambi milatari ay sameeyeen 2022. Capt Traoré ayaa xukunka la wareegay isagoo ballan-qaaday inuu wax ka qabanayo xaaladda adag ee ammaanka “laba ilaa saddex bilood gudahood”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments