Sahan Media Muqdisho: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba-joogta ee dowladda Yaman Mudane Mostafa Noaman ayaa maanta oo Talaado ah la kulmay wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, horumarka labada dal iyo sidoo kale is-beddellada Geeska Afrika iyo badda cas.
Wada-hadalladan oo barbar socday shirkii sagaal iyo tobnaad ee Wasiirrada Dhaqdhaqaaqa Aan Isbahaysiga ahayn ama dhexdhexaadka ah ee ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala.
Mostafa iyo Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la isku xiro mowqifyada ku saabsan arrimaha ammaanka ee labada dal iyo gobolka.
Labada dhinac ayaa xaqiijiyay sii socoshada wadatashiyada iyo isku xirka arrimaha kala duwan iyo taageerada dadaallada labada dal ee lagu doonayo in lagu gaaro amni, xasillooni.