Google search engine
HomeWararka MaantaMucaaradka oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya

Mucaaradka oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa warsaxafadeedka ay soo saareen ku cadeeyay iney dhimatay Madashii Golaha Wadatashiga Qaranka, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh uu la weecday doorkii laga sugaayay ee ahaa isku keenida dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Warsaxafadeedka ayaa si weyn loogu eedeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorbiday kooxaysi siyaasadeed, halkii laga filaayay inuu noqdo hoggaamiye qaran.

Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka loogu digay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  inuu ka waan toobo falal ay ku sheegeen “fidno abuur” uu ka wado maamulka Jubbaland oo ay sheegeen inuu ku haayo caburin la xariirta madax bannaanida maamulkaasi.

Warsaxafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah ugu saxiixan 16 masuul oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo sida madaxweyne, Raysal Wasaarayaal, Wasiirro, Ambassadoro, iyo Hoggaamiyeyaal siyaasadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaareyaashii hore ee Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Iyo siyaasiyiin  kale oo caan ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments