Google search engine
HomeWararka MaantaMuddo kordhin iyo wax-kabadalka dastuurrka oo Muqdisho ka socda

Muddo kordhin iyo wax-kabadalka dastuurrka oo Muqdisho ka socda

Sahan Media Muqdishi: Xildhibaano katirsan golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay Mooshin ka dhan ah wax ka-beddel lagu sameeyo nuqullo ka tirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaalia oo ay dabada ka riixayso Villa Somalia.

Xildhibaannadaan oo si weyn uga soo horjeeda muddo kordhin loo sameeyo golayaasha dowladda iyo waxka beddelka dastuurka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta khudbado ka jeediyay Golaha Shacabka.

Xildhibaan Xayle, oo ka hadlay shirkii golaha ee maanta ayaa dhaliilay xeerarka ay sida deg degga ah goluhu ku ansixinayaan, isagoo ugu dambayntii guddoonka golaha shacabka uga digey inay golaha ka dhigaan goob lagu kala fogeeyo ummadda Soomaaliyeed.

“Barlamaanka maalmahaan wuxuu ansixiyaa sharciyo deg deg ku socda oo aan marin xeer hoosyada golaha oo aad moodid in intii la yimaado in l iysaga codeeyo, waxaan kale oo aan maqlaynaa guddoomiye inaad waddid in golahaa waqtigoodu dhammaadka yahay aad muddo kordhin u samaysid arrintaasi oo aan sharciga waafaqsanayn.

Dalkan iyo dadkan in la isku hayo ayaa la rabaa oo uusan barlamaankan dalka sii kala fogayn oo berri ka maalin wax dadka Soomaaliyeed ku gala tegayaan aan halkaan qayb looga noqon, guddoomiye nin oday ah ayaa tahay ee arrintaas ka fiirso waa taladayda”, Ayuu yiri xildhibaan Xayle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments