Google search engine
HomeWararka MaantaNabadoon Buurdhuubo oo lagu dilay Balad-Xaawo

Nabadoon Buurdhuubo oo lagu dilay Balad-Xaawo

Sahan Media Muqdisho: Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ah magaalada Baladxaawo ayaa xalay lagu dilay Baladxaawo.

Dableyda geysatay dilka Nabadoonka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Laamaha amaanka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney wadaan baaritaano la xariira dableyda geysatay dilka Nabadoon Buurdhuubo.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Shire Cabdul Keynan ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Nabdoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa nabadeynta gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baladxaawo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay Degmada Beled-xaawo oo ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsana Golaha Guurtida Degmada Waxaa si gaar ah ugu tacsiyaynayaa Qoyska, qaraabada, salaadiinta dhaqanka iyo dhammaan bulshada ree balad-xaawo waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo Nabadoonka Qabrigisane allaha u waasiciyo!” ayuu yiri guddoomiye Shire Cabdul Keynan.

Allah u naxariista dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay gobolka Gedo ay  ka jireen khilaafaad siyaasadeed adag oo u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments