Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa billaabay safarkiisa afar waddan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Azerbaijan laga bilaabo Axadda maanta ah sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.
Inta lagu guda jiro booqashadiisa lixda maalmood ah ee May 25 ilaa 30, Sharif wuxuu booqan doonaa Turkiga, Iran, Azerbaijan, iyo Tajikistan.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dalalkan kala hadli doona arrimo badan oo kala duwan oo khuseeya xiriirka labada dal iyo arrimaha muhiimka u ah gobolka iyo caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka caalamiga ah ee wadamada barafka ku xeeran ee ka dhacaya magaalada Dushanbe ee dalka Tajikistan, kaasoo la qaban doono 29-ka ilaa 30-ka May.