Google search engine
HomeWararka MaantaPakistaniyiin laga soo badbaadiyay burcadbadeed

Pakistaniyiin laga soo badbaadiyay burcadbadeed

Sahan media Muqdisho: Ciidamada badda Hindiya ayaa shalay badbaadiyay markab kalluumaysi oo Iran laga leeyahay iyo shaqaalihii la socday oo 23 u dhashay Pakistan, ka dib in ka badan 12 saacadood oo “tallaabooyin xeeladaysan oo xoog leh” oo qayb ka ah hawlgalka ka dhanka ah burcad-badeedda ee badda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Kooxaha takhasuska leh ee ciidamada badda Hindiya ayaa hadda si buuxda u nadiifinaya iyo hubinta u qalmida badda ee markabka kalluumaysiga si ay u galbiyaan aag nabdoon si ay dib ugu bilawdo hawlihii kalluumaysiga ee caadiga ahaa, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo uu wadaagay afhayeenka ciidamada badda.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa fiidnimadii Jimcihii sheegay inay ku hawlanaayeen hawlgal ay ku soo furteen markabka kalluumaysiga ee la afduubay, kaas oo sida la sheegay ay saarnaayeen sagaal budhcad-badeed hubaysan ah iyo shaqaalihii la socday oo badda ku jiray.

Markabka la afduubay ayaa la qabtay Khamiistii, sida ay sheegeen ciidamada badda. “INS Sumedha waxay qabatay FV ‘Al Kambar’ saacadihii hore ee shalay waxaana ku biiray markabka gantaalka la hagayo ee INS Trishul,” ayaa lagu yidhi.

“Kadib in ka badan 12 saacadood oo ah tillaabooyin xeelad dagaal oo xoog leh sida SOP-yada, budhcad-badeeddii saarnayd markabka kalluumaysiga ee la afduubay ayaa lagu khasbay inay is dhiibaan, shaqaalihii markabka oo ka koobnaa 23 qof oo Pakistani ah, ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay,” ayay ciidamada badda Hindiya ku dareen.

Markabka kalluumeysiga ee xilliga uu shilku dhacayay ayaa qiyaastii 90 nm koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Socotra, waxaana “lagu soo warramey in ay fuuleen sagaal burcad-badeed hubaysan,” ayay tiri.

Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in ay wali ka go’an tahay xaqiijinta amniga badda ee gobolka iyo badqabka badmaaxiinta, “iyada oo aan loo eegin jinsiyadaha ay u kala dhasheen”. Jasiiradaha Socotra waxay ku taal waqooyi-galbeed ee Badweynta Hindiya una dhow Gacanka Cadmeed.

Ciidamada Badda Hindiya waxay qaadi doonaan “tallaabo cad” si ay u xaqiijiyaan badbaado iyo ammaan badan Gobolka Badweynta Hindiya, ayuu yiri madaxa Admiral R Hari Kumar 23-kii Maarso isagoo soo xiganaya la-dagaallanka burcad-badeedda iyo hawlgallada kale ee amniga badda ee ay qaadeen ciidammada badda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments