Google search engine
HomeWararka MaantaPuntland: Qayb kama nihin dilalka qorshaysan

Puntland: Qayb kama nihin dilalka qorshaysan

Sahan Media Muqdisho: Nabad-sugidda Puntland ayaa beenisay war maanta lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in hay’addu ay ka dambaysay geerida nin maydkiisa laga helay guri kuyaala magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo caawa kasoo baxay hay’adda PISA ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ee Puntland aysan ka shaqeynin falal lagu khaarajinayo ama wax loogu dilayo si qorshaysan.

Hay’addu waxay sheegtay in siyaasaddooda aysan ahayn inay ku xad-gudbaan xuquuqda muwaadiniinta ama madax-bannaanida maamullada dalka 

“Dowladda Puntland, gaar ahaan hay’adaha ammaanka, waxay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee ammaanka ee mandaqadda, oo ay ka mid tahay Somaliland. Wada-shaqeyntaas waxay ku saleysan tahay iskaashi iyo is-ixtiraam si loo sugo nabadgelyada guud ee gobolkan,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda PISA.

Hay’adda waxay warkeeda ku sheegtay inay u aragto wararka lagu faafiyey baraha bulshada mid ujeedkiisu yahay kicin iyo marin-habaabin bulsho.

Maanta ayaa maydka nin lagu magacaabi jiray Axmed Caddib laga helay hoy uu ka degenaa magaalada Hargeysa, lamana oga sababta ka dambeysa dilkiisa. 

Ninkaan ayaa lala xiriiriyay inuu xiriir la lahaa ururka Alshabaab, isla markaasna uu ka dambeeyay weerarro Alshabaab ay ka geysteen gudaha Puntland, balse, wax caddayn looma hayo eedayntaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments