sahan Media Muqdisho: Milateriga Kenya ayaa sheegay in qarax lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo roondo ka waday waddo ku taalla bariga dalkaas oo ku dhow xadka Soomaaliya.
Ururka Al Shabaab ayaa barahooda Internet-ka ku sheegay in ugu yaraan 2 askari oo Kenyan ah ay ku dileen, kuwo kalena ay ku dhaawaceen qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayey meel xadka u dhaw, balse si toos ah uma sheegan masuuliyadda.
Ciidamada Ilaalada ayaa subaxnimadii Talaadada gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku daba jiray inta u dhaxaysa wadada isku xirta Sankuri iyo Kiunga oo ah magaalo xeebeed 12km u jirta soohdinta Soomaaliya.
“Waa wax laga xumaado, saddex askari oo galangalka ama wardoonka ah ayaa u dhintay, askartan waxay bixiyeen naf-hurnimadii ugu dambeysay,” ayay ciidamada difaaca Kenya ku sheegeen hadal ay soo saareen gelinkii dambe ee Talaadadii.
Al Shabaab ayaa ka talisa deegaano badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana inta badan weeraro ka geysta xuduuda iyagoo beegsanaya ciidamada iyo goobaha rayidka ah, weeraradaas oo ay dadka falanqeeya arrimaha amaanka ku sheegeen in looga dan leeyahay in Kenya ay ku cadaadiyaan sidii ay ciidamadooda ugala bixi lahaayeen howlgalada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.