Google search engine
HomeWararka MaantaQatar ayaa sheegtay in arrimaha qaar ee qorshaha Trump ee Gaza ay...

Qatar ayaa sheegtay in arrimaha qaar ee qorshaha Trump ee Gaza ay u baahan yihiin wada xaajood

Sahan Media Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa Talaadadii sheegay in arrimaha qaar ee qorshaha Gaza ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay u baahan yihiin cadeyn iyo wada xaajood.

“Qorshaha la soo jeediyay ee Trump waa ujeedo muhiim ah isaga oo soo afjaraya dagaalka, laakiin waxaa jira arrimo u baahan caddayn iyo wada xaajood,” Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa u sheegay telefishinka Aljazeera ee fadhigiisu yahay Doxa.

“Waxaan rajeyneynaa in qof walba uu u eegi doono qorshaha si wax ku ool ah oo uu uga faa’iidaysto fursadda lagu soo afjarayo dagaalka,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa sheegay in Doha aysan weli helin jawaabta Xamaas ee qorshaha.

“Weli ma garanayno jawaabta ay Xamaas ka bixisay qorshaha, taas oo u baahan in ay is afgartaan kooxaha Falastiiniyiinta.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ay u cadeeyeen Xamaas kulankii Isniintii in hadafkooda ugu weyn uu yahay inay joojiyaan dagaalka.

“Waxa ugu weyn ee Qatar hadda waa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada Falastiiniyiinta ee Gaza,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in mudnaanta waddankiisu ay tahay “dhaminta dagaalka, gaajada, dilka, iyo barakaca Gaza.”

“Waxa la soo bandhigay shalay waxay ahaayeen mabaadi’da qorshaha u baahan in laga doodo tafaasiilkooda iyo sidii looga shaqayn lahaa,” ayuu yiri.

Raiisel wasaaraha ayaa sheegay in wadamada Carabta iyo Islaamka ay sameeyeen dadaal kasta “si loo hubiyo in Falastiiniyiintu ay sii joogaan dhulkooda oo ay gaaraan xal laba dowladood ah.”

“Wajiga hadda jira waa muhiim waana qayb ka mid ah wada-xaajoodyada aan la filayn inay soo saaraan luqad qumman. “Dariiqa hadda socda waa in lagu dhisaa oo laga dhigaa mid waxtar leh oo guuleysta.”

Isniintii, Trump ayaa daaha ka qaaday qorshe ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka Israa’iil ee Gaza, xilli uu Aqalka Cad shir jaraa’id ku qabtay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Qorshuhu wuxuu ku baaqayaa in la sii daayo dhammaan maxaabiista Israel si loogu beddelo tobanaan maxaabiis falastiiniyiin ah, in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas, in ciidammada Israa’iil si tartiib tartiib ah u baxaan, iyo in la sameeyo guddi farsamo oo falastiiniyiin ah, si ay u maamulaan dhulkaas.

Waddada loo marayo aayo-ka-tashiga Falastiin iyo dawladnimada ayaa lagu qeexay qorshaha inay tahay suurtogalnimo – laakiin maaha dammaanad.

Ciidanka Israa’iil ayaa Gaza ku dilay in ka badan 66,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, tan iyo bishii Oktoobar 2023. Duqeymahan aan joogsiga lahayn ayaa ka dhigay deegaankaas mid aan la degi karin oo horseeday gaajo iyo faafitaanno cudurro badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments