Sahan Media Muqdisho: Sida ku cad qoraal qarsoodi ah oo ay shaacisay Mediapart, diblomaasiyadda Imaaraadka Carabta oo la dagaalaysa siyaasadda Qatar ayaa diyaarisay qorshe ficil oo faahfaahsan oo loogu talagalay in lagu dhexgalo siyaasadda Faransiiska ee ka dhanka ah Walaalaha Muslimiinta (Muslim Brothers) sanadkaii 2025.
Faransiiska waxaa lagu tilmaamay “dal bartilmaameed ah oo ay beegsanayaan Muslim Brothers”.
Dukumentigu wuxuu soo bandhigayaa istaraatiijiyad saameyn leh oo lagu abaarayo:
• Elysée xafiiska madaxweynaha Emmanuel Macron.
• Quai d’Orsay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhowr wasaaradood.
• Baarlamaanka
• Warbaahinta, cilmi-baarayaasha, hay’adaha fikirka, shabakadaha siyaasadeed, kuwa midigta iyo midigta aadka u fog.
Ujeeddadu waa in si qarsoodi ah la isu waafajiyo mowqifyada Faransiiska iyo kuwa Abu Dhabi, iyada oo loo marayo qoraallo aan la garanayn, la-tashiyo gaar ah, warbixinno “aan la ogolayn”, iyo gudbin warbaahineed oo loo soo bandhigay inay yihiin kuwo madax-bannaan.
• Qoraalkan qarsoodiga ah wuxuu sidoo kale qorsheynayaa inuu qaabeeyo sheekada dadweynaha ama la qaldo bulshada iyadoo la isticmaalayo qaar ka mid ah suxufiyiinta, khubarada (sida Gilles Kepel iyo Florence Bergeaud-Blackler) iyo daraasado lagu soo bandhigayo khatarta Ikhwaanul Muslimiinka iyadoo la beegsanayo siyaasadda Qatar iyo walaalaha Muslinka.
Wargayska Mediapart wuxuu ka hadlayaa hawlgalka socda iyo faragelinta shisheeye oo si taxaddar leh loo sameeyay si looga fogaado falcelin rasmi ah oo Faransiis ah.
Sahankan wuxuu iftiiminayaa meelaha qarsoon ee xiriirka Franco-Emirate, oo inta badan lagu sheego inuu yahay kuwo istaraatiiji ah oo saaxiibtinimo leh laakiin ka fog daahfurnaan buuxda.


