Sahan Media Muqdisho: Ku dhawaad 200 oo qof ayaa lagu dilay weerarro kala duwan oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen tuulooyin fog fog oo ku yaalla bartamaha iyo waqooyiga dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo booliiska dalkaas Arbacadii shalay, iyadoo ciidamada ammaanku ay baadi-goob ugu jireen dad nool oo ay baacsanayaan kooxihii weerarka geystay.
Bartamaha gobolka Kwara ay rag hubaysan weerar ku qaaday beesha Woro Talaadadii halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 170 qof, xildhibaanka Gobolka, Saidu Baba Ahmed, ayaa telefoonka ku sheegay.
Waxa uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca degmada xuduudka la leh gobolka Niger, halkaasi oo ay si isa soo taraysa u bartilmaansanayeen rag hubaysan oo weerar ku qaada tuulooyinka, afduubka dadka deegaanka iyo dhaca xoolaha.
Axmed ayaa sheegay in dableyda ay soo aruuriyeen dadka deegaanka, kadibna ay gacmaha ka xireen dhabarka kadibna ay toogteen.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dableyda oo loo maleynayo in ay yihiin mujaahidiin inta badan ka wacdiyi jiray tuulada, ay dalbadeen dadka deegaanka in ay ka tanaasulaan daacadnimadooda dowladda Nigeria oo ay u baddalaan shareecada Islaamka. Markii ay dadkii tuulada diideen dableyda ayaa rasaas furay.
Afhayeenka booliiska Kwara, Adetoun Ejire-Adeyem, ayaa sheegay in booliska iyo militariga la geeyay aagga uu weerarka ka dhacay si ay baaritaanno iyo badbaadin u sameeyaan, balse wuu diiday inuu bixiyo faahfaahinta khasaaraha ka dhashay.
Weerar kale oo ka dhacay waqooyiga gobolka Katsina, rag hubeysan ayaa dilay ugu yaraan 21 qof, kuwaas oo guri guri u galayay si ay u toogtaan dhibanayaasha, dadka deegaanka iyo booliiska deegaanka ayaa sheegay.
Weerarkan ayaa burburiyay heshiis nabadeed oo muddo lix bilood ah u dhaxeeyay bulshada iyo kooxda burcadda ah.
Waxay sidoo kale iftiimisay xaaladda cakiran ee soo food saartay dadka deggan waqooyiga fog ee Nigeria, halkaas oo qaarkood ay nabad ka raadsadeen kooxo hubaysan oo argagax geliya. Dadka deegaanka ayaa sida caadiga ah bixiya sako, lacag iyo cunto, kuwaas oo ay siiyaan burcadda si aan loo weerarin.


