Sahan media Muqdisho: Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Champions League Sabtidii 2024 ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Borussia Dortmund ciyaartii finalka.
Daafaca reer Spain ee Dani Carvajal iyo weeraryahanka Brazil Vinicius Jr. ayaa Los Merengues u kala dhaliyay daqiiqadihii 74-aad iyo 83-aad ee ciyaarta garoonka Wembley Stadium.
Weeraryahanka Jarmalka ee Dortmund Niclas Fullkrug ayaa lumiyay fursad ay hogaanka ku heysay, isagoo kubad uu ku helay birta goolka daqiiqadii 23aad ka qasaariyay.
Fullkrug ayaa lumiyay fursad kale oo uu gool ku dhalin karay daqiiqadii 87-aad iyada oo garsooraha Video Assistant Referee (VAR) uu diiday goolkiisa sabab la xiriirtaa Offside.
Goolhayaha reer Switzerland ee Dortmund Gregor Kobel ayaa sameeyay badbaadino muhiim ah intii ay socotay ciyaarta si uu kooxdiisa u sii noolaado laakiin waxa uu ka hor istaagi waayay Real Madrid in ay ku guulaysato koobkeedii 15-aad ee Champions League.
Kooxda heysata rikoorka UEFA Champions League ee Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad 10-kii sano ee lasoo dhaafay.
.