Google search engine
HomeWararka MaantaRuushka iyo Itoobiya oo kala saxeexday mashruuc warshada tamarta nukliyeerka ah

Ruushka iyo Itoobiya oo kala saxeexday mashruuc warshada tamarta nukliyeerka ah

Sahan Media Muqdisho: intii lagu jiray Toddobaadka Atoomikada Adduunka (WAW 2025), Shirkadda Dawladda ee Rosatom iyo Hay’adda Korontada Itoobiya ayaa kala saxeexday Qorshe Hawleed lagu horumarinayo mashruuca warshadda tamarta Nukliyeerka ee Itoobiya.

Dukumentigan waxa u saxeexay Alexey Likhachev oo ah agaasimaha guud ee Rosatom iyo Ashabir Balcha oo ah agaasimaha guud ee Korantada Itoobiya.

Qorshe hawleedku waxa uu dhigayaa in la sameeyo koox shaqo oo gaar ah si ay u sameeyaan faahfaahin ku saabsan mashruuca dhismaha warshadda tamarta nukliyeerka, diyaarinta khariidad u horseedaysa daraasadda suurtogalka ah, iyo saxeexa heshiis dawladeed. Intaa waxaa dheer, dukumeentiga waxaa ka mid ah taageerada horumarinta kaabayaasha nukliyeerka ee Itoobiya iyo dadaallada wadajirka ah ee kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha sayniska iyo farsamada ee isticmaalka tamarta atomiga.

Waxaa muhiimad gaar ah leh wada-hadalladii laba geesoodka ahaa ee dhexmaray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray rajada iyo tallaabooyinka xiga ee hirgelinta mashruuca warshadda tamarta Nukliyeerka ee Itoobiya. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirka caalamiga ah ee Atomic Forum oo qeyb ka ah todobaadka Atoomikada Adduunka oo ay wehliyaan madax ka socota dalal kale oo dhowr ah.

Itoobiya waxaan ku faraxsannahay inaan ka caawinno Tamarta, dalkan sida xawliga ah u koraya si uu u sameeyo ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah. Markii la saxeexay Qorshe Hawleedka lagu horumarinayo mashruuca warshadda tamarta Nukliyeerka, waxaan ku sii dhawaanaynaa bilawga dhismaha warshaddii ugu horreysay ee tamarta Nukliyeerka ee Itoobiya.

Rosatom wuxuu diyaar u yahay inuu la wadaago tignoolajiyada ugu dambeeyay, taageerada tababarka shaqaalaha iyo abuurista kaabayaasha lagama maarmaanka ah. Sharaf weyn bay noo tahay in aan ka mid noqonno mashruuc xaqiijin doona tamar waara oo dalka iyo gobolka oo dhan ah,” ayuu yiri Alexey Likhachev.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments