Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in wax ka bedel cusub lagu sameeyay shuruucdeeda fiisaha Cumrada, iyadoo sheegtay in ansaxnimada fiisaha ka hor inta aan la gelin wadanka lagu soo koobi doono saddex bilood lagana dhigayo hal bil laga bilaabo taariikhda la bixiyay, Al Carabiya ayaa soo xigatay ilo ku dhow arrintan.
Muddada joogitaanka la oggol yahay marka uu xujaydu timaado Sucuudiga, waxba iskama beddelin waa saddex bilood.
Siyaasada cusub ayaa sidoo kale sheegaysa in fiisaha Cumrada si toos ah loo kansali doono 30 maalmood kadib marka la soo saaro hadii qofka doonaya in uu soo guto Cumrada mudadaas uu ku diiwaan gashan waayo galitaanka Sacuudiga.
Isbeddelladan, sida laga soo xigtay Al Carabiya, ayaa la filayaa inay dhaqan galaan toddobaadka soo socda.


